Wednesday, September 9, 2026

Netanyahu Oo ku Hanjabay in Dhawaan la Ridayo Nidaamka Iran Xili Uu Booqday Dhulka Uu ka Qabsaday Suuriya

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo maaanta booqasho ku tagay gobolka Jabal al-Sheikh ee Suuriya oo ay Israa’iil gacanta ku hayso, ayaa sheegay in ridista nidaamka Iran ay aad ugu dhowdahay.

Kadib dhicitaankii xukuumaddii Bashar al-Assad, Israa’iil waxay qabsatay gobolka buuraleyda ah ee Jabal al-Sheikh ee Suuriya.

“Weli waxaa jira shaqo badan oo la qabanayo, laakiin hawsha ugu weyn waa in la rido nidaamka argagixisada ee Iran. Aad ayaan ugu dhow nahay inaan gaarno hadafkan. Waxaan ognahay in ugu dambayn uu burburi doono dhammaan dhidibka [iska-caabbinta],” ayuu Netanyahu ku sheegay muuqaal uu ka soo diray gobolka.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa sidoo kale Netanyahu ku wehelinayay booqashadan.

Falanqeeyayaal Maraykan ah Oo ka hadlay goobta nukliyeer Iiraan lagu bacrimiyo oo la adkeeyay amnigeeda

Falanqeeyayaal Mareykan ah oo muddo lix sano ah daraasad ku sameeyay sawirrada dayax-gacmeedka ayaa sheegay in goob nukliyeer oo dhulka hoostiisa ah oo Iran ku taalla, lagana shakisan yahay, ay sanadkan si weyn uga kordheen hawlaha dhismaha.

Goobta ku taalla Buurta Kalang waxay u dhowdahay Natanz, halkaas oo sirdoonka reer Galbeedku ka shaki qabo in Iiraan ay ka dhisayso xarun kobcinta uranium-ka ah oo aan la shaacin.

Falanqeeyayaashu waxay ogaadeen in la kordhiyay lana adkeeyay marinnada laga galo goobta, laami lagu sameeyay shabakadda waddooyinka gudaha, isla markaana la xoojiyay hareeraha meelaha laga galo.

Bishii Luulyo, Madaxweyne Trump wuxuu ku hanjabay inuu duqeyn doono Buurta Kalang

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka nukliyeerka ayaa Tehran ka codsatay macluumaad ku saabsan goobta, balse sida muuqata codsiyadaas jawaab logama siin.

Falanqeeyayaasha, oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda Caalamiga ah (CSIS), fadhigoodu yahay Washington ayaa sheegay in dhismaha shubka ah ee si qoto dheer dhulka loogu aasay uu adkaan doono in la burburiyo, xitaa haddii la adeegsado hubka aan nukliyeerka ahayn ee ugu culus.