Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in wada-hadalka uusan ka dhignayn is-dhiibid ama dib u gurasho, xilli Tehran ay sheegtay inay jawaab ka bixisay qorshaha Mareykanka ee lagu soo afjarayo colaadda.
Qoraal uu ku daabacay Barta X, Pezeshkian wuxuu sheegay in Iran aysan marnaba madaxa u foorarin doonin cadowga, isaga oo xusay in wada-hadalladu ay ujeeddadoodu tahay difaacidda xuquuqda iyo danaha qaranka Iran.
Dhanka kale, xubno ka tirsan baarlamaanka Iran ayaa digniino culus u diray Mareykanka. Xildhibaan Ebrahim Rezaie ayaa sheegay in waqtigu ka sii socdo Mareykanka, isla markaana Washington ay tahay inay ka fogaato tallaabooyin sii hurin kara xiisadda.
Ku xigeenka guddoomiyaha baarlamaanka Iran Ali Niksad ayaa isna sheegay in Mareykanku uu isku dayay inuu tijaabiyo awoodda Iran, balse hadda ay tahay inuu aqbalo cawaaqibta ka dhalan karta.
Warbaahinta dowladda Iran ayaan faahfaahin badan ka bixin jawaabta loo diray Mareykanka, marka laga reebo in wada-hadallada marxaladdan ay diiradda saarayaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka gobolka
