Dagaal culus oo khasaare kala duwan gaystay, ayaa maanta ka dhacay deegaanka Madax-lagu Xoor ee gobolka Sool, welina xiisad colaadeed ayaa halkaas ka taagan.
Dagaalkan ayaa waxay u dhaxaysaa laba jilib oo ka tirsan beelaha Habar-gidir ee Fiqishini iyo Dhulbahante siiba Jaamac Siyaad, waxayna salka ku haysaa ceshiimo iyo deegaamayn.
Inta la xaqiijiyay, 2 nin oo beesha Fiqishini ah ayaa dhintay, tiro kalena waa dhaawac labada dhinac, waxaana xusid mudan in beesha Dhulbahante ay gubtay deegaano ay deganaayeen dad maati ah oo kasoo jeeda beesha Faqishini.
War wixii kasoo kordha halka kala soco.
