2
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland Fu’aad Axmed Nuux iyo La-taliyaha Madaxweynaha JSL ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Fadal oo safar shaqo ku jooga dalka Canada, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Israa’iil u fadhiya dalkaasi Canada Danjire Iddo Moed.
Kulanka ayaa lagaga wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan fursadaha iskaashi ee dhinacyada horumarinta adeegyada duulista hawada, maaraynta gaadiidka cirka iyo horumarinta kaabayaasha madaarrada.
