Dowladda Burkina Faso ee uu hoggaamiyo Kabtan Ibrahim Traoré ayaa gebi ahaanba joojisay tartamadii quruxda gabdhaha ee Mss Burkina Faso, iyadoo beddelkeeda bilowday barnaamijka ”Hakili Mousso” oo lagu taageerayo gabdhaha hibada waxbarasho leh.
Tartankan aqooneed oo ay ka qaybgaleen 84 gabdhood ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista aqoonta gabdhaha ee maadooyinka muhiimka ah sida Fiisigiska, Kimistariga, iyo Xisaabta.
Gabdhihii ku guuleystay kaalmaha ugu sarreeya ayaa la guddoonsiiyay abaalmarino qaali ah oo ay ka mid yihiin lacago kaash ah, kumbuyuutarro, mootooyin, iyo deeqo waxbarasho jaamacadeed oo ay dawladdu kafaalo-qaadday.
