Wednesday, August 5, 2026

Ciidanka PSF Oo Bandow ku soo Rogay Boosaaso Kadib Dagaalkii Gaalkacayo Looga Qabsaday.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka PSF ee hoos taga DFS ayaa ku dhawaaqay bandow ku-meel-gaar ah oo laga hirgeliyay magaalada Boosaaso, iyadoo sheegtay in go’aankaasi uu salka ku hayo duruufo amni iyo baahida loo qabo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo fududeynta hawlgallada amniga ee ka socda magaalada.

War-saxaafadeed ay PSF soo saartay ayaa lagu sheegay in muddada uu bandowgu socdo si ku-meel-gaar ah loo joojinayo isu socodka dadka iyo gaadiidka gudaha magaalada. Sidoo kale, waxaa la xaddiday dhaqdhaqaaqa ka baxaya ama soo galaya magaalada, iyadoo la xiray waddooyinka xiriiriya Boosaaso iyo Garoowe, iyo sidoo kale jidka u baxa dhinaca Dekedda Boosaaso.

Hay’addu waxay sheegtay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo looga gol leeyahay xaqiijinta badqabka guud iyo sugidda amniga shacabka, xilli ay magaalada ka jiraan xaalado amni oo u baahan feejignaan dheeraad ah. Go’aankan ayaa imanaya kadib xiisado iyo iska horimaadyo dhowaan ka dhacay duleedka Boosaaso oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa PSF, kuwaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amniga.

PSF ayaa ugu baaqday dhammaan shacabka Boosaaso inay muujiyaan deggenaansho iyo mas’uuliyad, isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada amniga. Waxay sidoo kale shacabka ku adkaysay inay u hoggaansamaan awaamiirta iyo tilmaamaha ay soo saarayaan hay’adaha amniga inta uu bandowgu jiro.

Ugu dambeyn, PSF waxay caddeysay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo ku-meel-gaar ah, iyadoo ujeeddadu tahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida magaalada Boosaaso, isla markaana ay shacabka uga mahadcelisay fahamka iyo wada-shaqeynta ay la yeeshaan ciidamada amniga.

War saxaafadeedkan ayaa ku soo aaday xili saaka dagaal culus uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ka dib markii ciidamada Puntland ee maamulka Deni ay weerareen xerada Ciidanka PSF ee ku taalay woqooyiga magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay qabsadeen ka dib dagaal muddo kooban socday.