Madaxweyne Erdogan Oo ka Hadlay Dhibaatada Haysta Shucuubta Islaamka Baaq-na u direy

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Wadanka Turkiga, Recep Erdogan oo ka hadlay dhibaatada haysta shucuubta Islaamka ayaa baaq u direy muslimiinta.

Madaxweynaha Turkigu, waxa uu yidhi. “Q/–sa, shabakadaha xasuuqu waxay u badaleen oo ay ka dhigeen xabaalaha caruurta ee ugu weyn Adduunka, malaayiin walaalaheena oo reer F-lastiin ah ayaa dhiban oo ku nool xaalad aad u adag, iyagoo aan haysan dhammaan waxyaabihii aasaasiga ahaa ee nolosha.”

“Sidoo kale Lubnaan, 1.3 milyan oo qof oo walaalaheena ayaa lagu qasbay iney guryahooda ka barakacaan weerarada ISRL darteed, halka la dilay in kabadan 4000 oo qof, sidoo kalena ay dhaawacmeen in kabadan 12,000 oo qof oo Lubnaaniyiin ah oo ay ku jiraan caruur iyo haween.”

“Hadaynu nahay muslimiin waxaa innagu waajiba inaan xoog yeelano oo aan wax iska dhicino, inaan si wadajir ah u difaacano xuquuqdeena, meelna ma gaadhayno hadii aan rajadeena ku xidhno dad kale.”