Wednesday, October 7, 2026

Mareykanka Oo ka Digey Weeraro Bishan Lagu Beegsanayo Saldhigyada Ciidamada Itoobiya.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa ka digay suurtagal-nimada weerarro gantaallo riddo dheer oo bishan lagu beegsan karo saldhigyada militari ee ciidanka Itoobiya.

Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa sheegtay iney ka warqabto xogaha sheegaya iney dhici karaan weeraro loo adeegsanayo gantaalaha ridada dheer oo lagu qaadayo saldhigyada ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale Safaaradda ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka ineysan u safrin gobolada Amxaarada, Tigreega iyo Canfarta, sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka ee gobolada ku sugan ayaa lagula taliyay iney si degdega uga baxaan hadii ay helayaan marino ammaan ah, hadii kalena ay tagaan goobo ammaan ah inta ay xaaladu degeyso.