Afhayeen u hadlay militariga Iiraan ayaa sida maanta ay Al Jazeera baahisay, wuxuu ka digay in haddii Mareykanku mar kale weerar ku qaado dalkiisa, jawaabta Tehran ay noqon doonto mid degdeg ah oo ka ballaaran weerarradii hore.
Afhayeenka, Mohammad Akraminia ayaa sheegay in dagaal cusub uusan ku koobnaan doonin Bariga Dhexe, balse uu gaari karo goobo kale oo adduunka ah.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Iiraan ay cusboonaysiinayaan liiska bartilmaameedyada ay diyaarsadeen, isla markaana haddii dagaal dib u qarxo ay weerari karaan xarumaha, qalabka, ciidamada iyo danaha Mareykanka ee meel kasta oo ay awoodaan inay gaaraan.
Akraminia ayaa sidoo kale sheegay in dhinacyada ka soo horjeeda Iiraan ay isku dayeen inay kooxo hubaysan oo ka dhisan waqooyiga Ciraaq u adeegsadaan furitaanka jiho dagaal oo dhulka ah oo ka dhan ah Iiraan. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in ciidanka Iiraan iyo weerarro ay horay u qaadeen ay fashiliyeen qorshahaas.
