Hay’adda UK ugu qaabilsan La-Socodka Hawlgallada Maraakiibta Ganacsiga ee UKMTO ayaa sheegtay in Markab marayey Gacanka Carbeed uu maanta la kulmay labo qarax oo aan la aqoonsanin.
Qoraal ay Hay’adda UKMTO maanta oo Isniin soo dhigray Barta Bulshada ee X ayey ku xustay inuu Markabku marayey meel 72 nautical miles Bari kaga toosan magaallada Ras Al-Khfji ee Xeebaha dalka Sacuudiga.
Markabkaasi waxa uu ku wajahnaa jihada K/Galbeed, iyadoo shaqaalihii ka wada badbaadeen Qaraxyadaasi.
Dhanka kale, Hay’adda UK ee La-Socodka Maraakiibta Ganacsiga ee UKMTO ma xaqiijinin nooca markabka la qarxiyey ito Faahfaahinta Calankii uu ku safrayey ama Milkiyada Markabkaasi.
Ilaa hadda, ma jirto koox sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi.
Tan iyo markii uu bilowday Dagaalka u dhexeeya Isbahaysiga Maraykanka iyo Jamhuuriyada Islaamka Iiraan waxaa khatar la kulma Maraakiibta marinkooda yahay Gacanka Hormuz.
Shaxda Xogta Hay’adda UKMTO ayaa muujisay inay 101 markab ka gudbeen Gacanka Hormuz muddadii u dhexeysay bishii October 22-dii ilaa 24-dii, marka la barbar dhigo celcelis ahaan 138 markab ayaa maalin kasta ka gudbi jiray Marinka muhiimka ee Gacanka Hormuz.

