Taliyaha Booliiska Muqdisho Oo u Hanjabay Gabdho Shalay ka Mudaharaaday Tacadiyo loo Geystay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir ayaa u hanjabay gabdhihi shalay Muqdisho kula hadlay warbahinta ee sheegay in aysan amni dareemeyn ayna boorsooyinka ku wataan Maqasyo si ay isugu difaacaan…..

“Boliiska Caasimadda wuxuu uga digayaa shaqsiyaadka iyo kooxaha danaha gaarka ah leh ee ku gabanaya magaca difaaca xuquuqda haweenka, isla markaana faafinaya warar, eedeymo ama hadallo marin-habaabin ah oo dhaawacaya sumcadda Hay’adaha Amniga iyo kalsoonida bulshada inay ka waantoobaan falalka noocaas ah.

Qof kasta oo jeediya ama faafiya hadallo lagu carqaladeynayo amniga iyo kala dambeynta bulshada, laguna abuuro cabsi, qalqal iyo jahawareer dadweyne, waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga dalka”..

Screenshot