Ismaacil Mustafe Xasan, oo ku eedaysan inuu toorey ku dilay habeen badhkii Muxiyadiin Osman, ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla Ireland.
Ismaacil Mustafe oo kasoo jeeda Somaliland ayaa marxuum Muxiyadiin oo da,diisa lagu sheegey 54 jir dilay kadib muran ka dhashay Khuuro, sida ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyada dalkaasi.
Dhinaca kale, ninkan oo ka soo muuqday maxkamadda ayaa sidoo kale loo haystaa inuu dhaawacay qof kale. Dhacdadan ayaa ka dhacday kaam ku yaalla Ireland.
Police-ka Irland ayaa baahiyay Muuqaalka ninkan Dilka geystay iyadoo dhacdadani habeenkii Sabti ay ka dhacdey Dalka Ireland kaam kuyaala oo lagu magcaabo “Kerry IPAS centre”
