Maraykanka ayaa sheegay in uu duqeeyay goobo militeri oo Iran ku yaal dhammaadkii toddobaadka, halka Tehran ay sheegtay in ay ka jawaabtay weerarkaas iyada oo beegsatay saldhig ay ciidamada Maraykanku isticmaalaan.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ay qaadeen “weerarro is-difaac ah” oo ay kaga jawaabayeen sida ay sheegeen “falal gardarro ah oo Iran ay samaysay”, kuwaas oo uu sheegay in ay ku jireen in diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykan ah lagu soo riday biyaha caalamiga ah.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegay in ay beegsadeen saldhig diyaaradeed oo ay ciidamada Maraykanku isticmaalaan, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu ka qayb qaatay weerar lagu qaaday koonfurta Iran.
Dhanka kale, Kuwait ayaa sheegtay in nidaamkeeda difaaca cirka uu ka hortagay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ay markii dambe cambaaraysay “weerarro fool xun oo soo noqnoqday oo Iran fulisay”.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa Isniintii sheegay in Maraykanku uu “si joogto ah u beddelayo mowqifkiisa isla markaana soo bandhigayo dalabyo cusub ama is khilaafsan”, taas oo uu sheegay in ay dabiici ahaan “dheereynayso wadaxaajoodyada”.
