Saturday, September 12, 2026

500 Oo Qof Oo kasoo Barakacay Dagaalada Yemen Oo soo Gaaray Jabuuti.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Qaxootigan ayaa badda uga soo gudbay Yemen, iyagoo raadinaya meel ammaan ah iyo nolol ka wanaagsan middii ay dalkooda ku hayteen, waxayna Jabuuti ay ka mid tahay dalalka gobolka ee martigeliya dadka ka soo barakacay colaadaha ka jira Yemen.

500 Qof oo ka soo Barakacay dagaalada ka socda Dalka Yemen ayaa soo gaadhay Dalka Jabuuti, waxayna dadkaasi barakacayaasha ka soo degeen maanta Xeebta Ubukh ee dalkaasi, Sida ay ku waramayaan Tvga iyo raadiyaha dawlada Jabuuti.

Mas’uuliyiinta Jabuuti iyo hay’adaha samafalka ayaa sheegay in qaxootiga la siinayo adeegyo ay ka mid yihiin hoy, cunto, daryeel caafimaad iyo kaalmooyin kale oo bani’aadantinimo.