Faranciiska Oo Casriyaynaya Saldhigyada Milatari Ee Jabuuti Uu ku Leeyahay si loo Difaaco Amniga Jabuuti iyo Badda Cas.
Faransiiska ayaa qorsheynaya inuu laga bilaabo sannadka 2027 saldhigga milatari ee Air Base 188 ee dalka Jabuuti geeyo diyaaradaha dagaalka ee nooca Rafale, taasoo qayb ka ah qorshe lagu casriyeynayo laguna xoojinayo joogitaankiisa milatari ee gobolka si loo difaaco amniga Djabuuti iyo marin biyoodka Baabul.madab ee Badda Cas.
Dhinaca kale, dabayaaqadii bishii Agoosto 2026, Jabuuti waxaa gaaray diyaarad dagaal oo saddexaad oo ah nooca Mirage 2000D oo la casriyeeyay.
Tallaabooyinkan ayaa la xiriira dadaallada lagu xoojinayo difaaca iyo amniga Jabuuti, gaar ahaan marin biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
