Wednesday, August 19, 2026

Dagaalyahano Itoobiyaan ah oo Al-Shabaab ka Tirsanaa Oo isku dhiibay Ciidamada Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dagaalyahan Itoobiyaan ah oo in ka badan afar sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dagaalyahanka, oo isku magacaabay Mufti, uu iska soo dhiibay degmada Quracjoome, waxaana uu qeyb ka ahaa dagaalyahannada ajaanibta ah ee kooxda.

Sida lagu sheegay warbixinta Wasaaradda, dagaalyahanka ayaa sheegay in markii uu Soomaaliya soo galay loo bixiyay magaca Cumar, isla markaana uu Al-Shabaab la joogay muddo afar sano iyo hal bil ah.

Dagaalyahanka ayaa sidoo kale sheegay inuu ka baxay fikirka kooxda, kadib markii uu ku qancay in Al-Shabaab ay ka faa’iidaysato oo ay qalloociso diinta Islaamka, ayna aragtideedu ka hor imanayso waxbarista Islaamka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in go’aanka uu uga baxay kooxda uu yimid kadib markii uu ogaaday in ujeeddooyinka Al-Shabaab ay ka duwan yihiin waxa ay sheegato.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Bakool, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay weli ka howlgasho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay xubnaha Al-Shabaab ugu baaqaysay inay ka faa’iidaystaan barnaamijka cafiska dowladda, isla markaana ay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda.