Monday, September 28, 2026

Saraakisha Ciidamada Masar Oo Maanta Gaaray Deegaanka Saldhiga Looga Dhisayo Ee Xeebta Ceelcade,duleedka Muqdisho

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Saraakiil ka tirsan ciidamada Masar ayaa maanta gaaray deegaanka xeebeedka Ceelcade, ee duleedka Muqdisho halkaas oo ku yaallo garoonka diyaaradaha Cisileey ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo dowladda Soomaaliya ay shalay geysay cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Goobta ayaa la qorsheynayaa in laga dhiso saldhig milatari oo lagu tababaro Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, isla markaana noqda saldhigga ugu weyn ee ciidamada Masar ee qeybta ka noqonaya howlgalka AUSSOM.

ciidamo Masar ayaa la sheegay inay dhawaan soo gaari doonaan Muqdisho, kadib markii Maraykanku ogolaaday maalgelinta howlgalka AUSSOM, iyadoo Masar ay diyaarinayso ciidamo ka qeyb qaata howlgalka cusub ee Midowga Afrika.