Wednesday, July 15, 2026

Ingiriiska Oo ka Carooday In Garsoore Ismaaciil loo Magacaabay Kulanka Argentina iyo Ingiriiska.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wargeysyada Ingiriiska ayaa ka carooday, kana muujiyay walaac go’aanka lagu magacaabay garsoore Ismaaciil Al-Faatix oo ah Mareykan asal ahaan ka soo jeeda Morocco inuu dhex-dhexaadiyo kulanka u dhexeeya Argentina iyo Ingiriiska.

Wargeyska Daily Mail, wuxuu sheegay; “Garsoore Ismaaciil Al-Faatix , wuxuu garsooray 4 kulan oo uu Lionel Messi ciyaaray tan iyo markii uu ku biiray Inter Miami, waxaana dhammaan kulamadaas guuleysatay kooxda Messi.”

Wargeyska Mirror, isna wuxuu baahiyay; “Garsooraha ciyaartu waa Al-Faatix, taasoo ka dhigan Argentina waxay heshay wixii ay doonaysay.”

Wargeyska The Sun, ayaa dhankiisa weriyay; “Garsoorahan waxaa aad u jecel dadka reer Argentina.”

Warbaahinta Ingiriisku, ma waxay cududaar u diyaarinayay natiijo ka soo horjeeda haddii ay ciyaarta ka soo baxdo, mise garsooraha ayay cadaadis saarayaan si uu uga fogaado khaladaad caawin kara Argentina?