Madaxweyne ku-xigeenka Argentina, Victoria Villarruel ayaa Ingiriiska ku tilmaamtay burcad dhul boob ah iyo kuwa xoog ku haysta dhul aysan lahayn , iyadoo ka hadlaysa jasiiradda Falkland oo ku taal badda Atlantic oo Ingiriisku maamulo, taasoo ay sheegato Argentina. Waxayna jasiiradan masaafo 482 km u jirta dhulka Argentina.
Hadalkan ayay jeedisay xilli keliya ay saacado ka dhimanyihiin ciyaarka loogu soo baxayo kama dambeysta tartanka koobka kubadda cagta adduunka oo ay wada ciyaarayaan Ingiriiska iyo Argentina.
Dhanka kale, tababaraha xulka kubadda cagta Argentina , Lionel Scaloni ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Argentina, inay ka fogeeyaan ciyaartan murano ka dhaxeeya labada dal iyo hadallo xiisad dhalin kara.
