Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka baxay ururrada ay ku mideysanyihiin dalalka soo saara shidaalka ee OPEC iyo OPEC+.
Sacuudiga ayaa loo arkaa hoggaamiyaha dhabta ah ee OPEC, halka Sacuudiga iyo Ruushka ay wadajir u hoggaamiyaan ururka kale ee OPEC Plus.
Ujeeddada labada urur waa dheellitirka suuqa shidaalka caalamka, si looga hortaggo in dalalku soo saaraan shidaal badan oo keena burburka qiimaha ama yaraansho daran oo keenta koror qiime oo waxyeello u geysta dhaqaalaha caalamka.
Tallaabada hadda ay qaaday Abu Dhabi ,waxay dharbaxo culus ku noqonaysa dalalka dhoofiya shidaalka ,iyadoo tani ay ka dhigantahay Imaaraadka Carabta inuu ka fogaanayo inuu la kulmo wax xaddidaad ah si uu uga soo kabsado saameynta dhaqaale ee dagaalka Iiraan, isla markaana kordhiyaan wax soo saarka shidaalka.
