Wednesday, November 18, 2026

Madaxwayne Putin Oo Booqasho Maanta ku tagay Shiinaha

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Putin oo booqasho maanta ku tagay Shiinaha , ayaa horey u qaatay shandadda ama boorsada gaarka ah ee loo yaqaan Cheget, taas oo qayb ka ah nidaamka sirta ah ee Ruushku u adeegsado maamulka iyo gudbinta amarada la xiriira hubkiisa nukliyeerka.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in mid ka mid ah kaaliyeyaasha Putin uu xaqiijiyey in shandadda uu waday sarkaalka la socday madaxweynaha ay tahay qalabkan gaarka ah ama furayaasha nukliyeerka ee lagu bixiyo amarrada in la rido hub nukliyeer ah.

Maxaa warkan muhiim ka dhigaya?

Putin ayaa shandaddan watay xilli uu Shiinaha kula kulmayo madaxweynayaasha Maraykanka iyo Shiinaha. Joogitaankeeda ayaa muujinaya muhiimadda amni ee uu Ruushku siinayo safarka, gaar ahaan xilli laga hadlayo dagaallada iyo hubka nukliyeerka.