Saturday, August 29, 2026

Kooxo Hubaysan Oo Maanta Weerarray Xarunta Madaxtooyadda dalka Niger

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Kooxo hubaysan ayaa maanta isku mar weerarray xarunta madaxtooyadda dalka Niger ee galbeedka Afrika , garoonka diyaaradaha ugu weyn dalkaa iyo saldhigga cirka ee 101 oo dhammaantood ku yaalla caasimadda Niger ee Niamey,iyadoo tan iyo horraantii saakay ay socoto rasaas xooggan oo laga maqlayo Niamey , sida ay werisey wakaaladda wararka ee Reuters.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa dhankeeda werisey inaan wali la oggaan cidda weerarradan fulisay,haddii ay yihiin kooxo argagixiso ah ama iskuday afgambi,halka BBC-da ay ka soo xigatay saraakiisha Niger in laga hortagay kooxaha weerarrada qaaday.

Niger waxaa xukuma militariga tan iyo afgambigii ka dhacay bishii July 2023, kaas oo xilka looga tuuray Madaxweyne Mohamed Bazoum. Tan iyo markaas, dawladda militariga ee uu hoggaamiyo Jen. Abdourahamane Tchiani oo xukunka la wareegtay waxay ka fogaatay dalalka reer Galbeedka, waxayna xoojisay xiriirka ay la leedahay Ruushka.

Niger sidoo kale waxay ku biirtay Mali iyo Burkina Faso si ay u dhisaan Isbahaysiga Dalalka Saaxil (AES), oo ah isbahaysi ka baxay ururka ECOWAS.

Telefishinka dawladda Niger ee galbeedka Afrika ayaa hawada ka baxay, xilli ay weli rasaas culus ka socoto qaybo ka mid ah caasimadda Niger ee Niamey, gaar ahaan agagaarka madaxtooyada, garoonka diyaaradaha iyo saldhigga Cirka ee 101.

Rasaastan ayaa bilaabatay kadib weerar ay saacadihii hore ee maanta qaadeen kooxo aan weli la aqoonsan, sida ay ku warrameen Sky News iyo AFP.