Saturday, August 29, 2026

Itoobiya oo Xannibaad kusoo Rogtay Xawaalado Soomaalidu ku Leedahay dalkeeda

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Bangiga Qaranka Itoobiya ayaa soo saaray digniin ku saabsan shirkado iyo shabakado xawaaladeed uu sheegay in aanay haysan ruqsad ay kaga shaqeeyaan adeegyada xawaaladaha iyo lacag-dirista ee Itoobiya.

Bangigu wuxuu sheegay in isticmaalka wakiillada lacag-dirista ee aan ruqsadda haysan iyo shabakadaha xawaaladaha sharci-darrada ah ay ka hor imanayaan sharciga Itoobiya, isla markaana ay dadka lacagta diraya iyo kuwa qaadanayaba u horseedi karaan khataro dhaqaale iyo kuwo sharci.

War-saxaafadeedka oo uu Bangiga Qaranka Itoobiya soo saaray 28-kii Agoosto 2025, ayaa bulshada, macaamiisha iyo qurbo-joogta Itoobiya loogu baaqay inay isticmaalaan oo keliya adeegyada lacag-dirista ee haysta ruqsadda Bangiga Qaranka Itoobiya.

Bangigu wuxuu sheegay in lacagaha loo diro shirkadaha aan la oggolayn ay keeni karaan khasaare dhaqaale, dib-u-dhac ku yimaadda lacag bixinta, xannibaadda akoonnada iyo tallaabooyin sharci iyo kuwo maamul.

Waxaa ka mid ah shirkadaha uu Bangiga Qaranka Itoobiya ku sheegay kuwa aan loo oggolaan inay adeegyada xawaaladaha ka bixiyaan Itoobiya Amal Express, Amal USA, Amana Express, Bakal Money Transfer, Jubba Express, Ramad Pay/Ramada Pay (Kaah), Tasa Pay, Tawakal Money Services, World Direct Link, Zola, Shgey Money Transfer, Taaj Financial Service, Rasmy Pay, USwyre, Avanti, Awash Direct iyo Adulis Money Transfer (ADZ).

Go’aankan ayaa si gaar ah muhiim ugu noqon kara nidaamka lacag-dirista ee ay isticmaalaan Soomaalida ku nool Itoobiya iyo dadka dibadda uga soo dira lacagaha, maadaama qaar ka mid ah magacyada ku jira liiska ay yihiin shirkado ay Soomaalidu si weyn u isticmaasho.

Bangiga Qaranka Itoobiya ayaa ugu dambayn dadka ugu baaqay inay hubiyaan in shirkadda ay lacagta u dirayaan ama ka helayaan ay ku jirto liiska rasmiga ah ee wakiillada lacag-dirista ee uu ruqsadeeyay Bangiga Qaranka Itoobiya.