Kooxaha ka ciyaaraya Horyaalka heerka labaad ee Gobolka Awdal ayaa sheegay inaanay ka qayb gali doonin kana soo hor jeedan Horyaalkaasi heerka labaad ee Boorama.
Kooxahani ayaa sheegay sababta aanay uga qayb gali doonin inaanay gabi ahaanba haysan wax dhaqaale ah haba yaraate .
tan ayaa noqonaysa in la arko kooxo si weyn uga cabanaya dhaqaale la’aan iyadoo indhahooga ay ku arkayaan wasaarada ciyaaraha iyo Xidhiidhka ku fashilmay inay Horyaalada wakhtiyadooda bilaabaan.
Waxa sidoo kale xusid mudan in Kooxaha ka ciyaara Boorama si weyn u sagayaan in loo bilaabo Horyaalo maadama aanay ciyaarin sanadihii ugu danbeeyay balse ay la kulmayan caqabad kale oo dhaqaale la’aana.

