Wafdi ka socda Turkiga oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Madaxa Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga, Fatih Dulkan, ayaa booqasho ku yimid Soomaaliya, iyadoo wafdigu kormeerro ku sameeyay goobo ku yaalla Muqdisho iyo Warsheekh.
Wafdiga waxaa ka mid ahaa masuuliyiin ka socda Wasaaradda Warshadaha iyo Teknolojiyadda, Hay’adda Warshadaha Difaaca iyo shirkadda ROKETSAN, oo ku takhasustay horumarinta iyo soo saarista gantaallada iyo nidaamyada hubka casriga ah.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada hawada sare, warshadaha, teknoolajiyadda iyo difaaca.
Waxay sidoo kale ku soo beegmaysaa iyadoo Turkigu dhisayo xarun hawada sare ah oo ku taalla Warsheekh, taas oo la qorsheynayo inay qeyb ka qaadato barnaamijyada dayax-gacmeedyada iyo duulimaadyada hawada sare.
