Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Tom Fletcher, oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha gargaarka bani’aadannimo iyo gurmadka degdegga ah.
Mas’uulkan sare ee ka socda Qaramada Midoobay ayaa booqashadiisa ku yimid Soomaaliya xilli adag oo dhanka bani’aadannimada ah, iyadoo qeybo badan oo dalka ka mid ah ay ka jiraan abaaro xooggan oo saameyn ballaaran ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed iyo xoolaha nool.
Wararka ayaa sheegaya in socdaalka Tom Fletcher uu la xiriiro qiimeyn ku saabsan xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan saameynta abaarta, biyo la’aanta iyo barakaca dadka ka soo hayaamay deegaannadooda kadib markii ay waayeen biyo iyo baad ay ku noolaadaan dadka iyo duunyaduba.
Gobollo badan oo ku yaalla Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya ayaa la sheegay inay wajahayaan xaalado adag, iyadoo ceelal badan ay gureen, dalaggii beerahana ay saameeyeen roob yari soo noqnoqotay. Xoolo dhaqato badan ayaa iyaguna la kulmaya xaalad adag kadib markii ay xoolihii ka dhammaadeen daaq iyo biyo.
Inta uu joogo Muqdisho, Tom Fletcher ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha samafalka iyo wakiillada beesha caalamka si looga arrinsado sida loo xoojin karo gurmadka degdegga ah ee loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay.
Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka ayaa hore uga digay in malaayiin Soomaali ah ay wajahayaan cunto yari iyo biyo la’aan haddii aan si degdeg ah loo kordhin taageerada bani’aadannimo, iyadoo sidoo kale xaaladda amni ee qaar ka mid ah gobollada ay adkeyneyso gaarsiinta gargaarka.
Booqashada Tom Fletcher ayaa loo arkaa mid muujineysa sida ay Qaramada Midoobay uga walaacsan tahay xaaladda bani’aadannimo ee sii xumaaneysa ee Soomaaliya, iyadoo dowladda Federaalka ay ugu baaqeyso beesha caalamka in la kordhiyo taageerada loo fidinayo shacabka ay abaartu saameysay.





