Madaxweynaha Brazil Lula da Silva ayaa markii ugu horreysay noloshiisa yeeshay telefoon casri ah (Smartphone), xilli ay maalmo kooban ka hadhsan yihiin dhalashadiisa 81aad.
Lula oo muddo dheer ka fogaan jiray isticmaalka telefoonada casriga ah ayaa hadda bilaabay inuu muuqaalo iyo farriimo ku baahiyo baraha bulshada, si uu u kasbado codadka dhallinyarada Brazil.
“Waxaan noqon doonaa aabbaha sawirada (selfie) moobilka lagu qaado wixii hadda ka dambeeya.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynahan dantu ku khasabtay inuu qaato telefoonka casriga ah.
Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu wajahayo tartan adag oo doorashada madaxtinnimada ah, kaas oo 25-ka Oktoobar kula loollamayo Flávio Bolsonaro.
Arrintan ayaa muujinaysa sida baraha bulshadu u beddeleen siyaasadda iyo ololayaasha doorashooyinka Brazil.
