Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in ciidamo uu tababaray Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gudaha u galeen Itoobiya, kuwaas oo hadda loo marayo hannaan rasmi ah oo ay labada dal ka wada shaqeynayaan.
Hoggaanka amniga ee deegaanka, Cabdulqaadir Rashid Ducaale, ayaa sheegay in ciidamadaasi ay dhowaan gaareen magaalada Jigjiga, kaddib markii ay ka gudbeen xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuu xusay in ciidamada loo kala qaybiyey kooxo, isla markaana hadda lagu wado habraacyada iyo heshiisyada u dhexeeya labada dowladood.
Ducaale ayaa sheegay in ciidamada aysan Itoobiya ku soo gelin hannaan rasmi ah oo si cad u qeexaya ujeeddada safarkooda, balse ay socdaan dadaallo lagu waafajinayo shuruucda iyo habraacyada labada dal.
Wuxuu intaas ku daray in arrinta ciidamada ay hadda gacanta ku hayaan hay’adaha sharciga iyo diblomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo ka wada shaqeynaya sidii xal rasmi ah looga gaari lahaa xaaladdooda.
Mas’uulka ayaa sidoo kale sheegay in shacabka lala wadaagi doono xogaha la xaqiijiyey iyo wararka rasmiga ah ee la xiriira arrintan, isaga oo ka digay faafinta warar aan la hubin oo keeni kara jahawareer.
Dhanka kale, xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay muddooyinkii dambe ku sugnaayeen gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, islamarkaana markii dambe la geeyey magaalada Diridhaba.
Wararka ayaa intaas ku daraya in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen xaaladda ciidamada, iyadoo ay suuragal tahay in dib loogu celiyo Soomaaliya, laguna qaado diyaarado.
Ciidamadan ayaa qayb ka ahaa kumannaan askari oo sanadkan lagu tababaray gobolka Galgaduud, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in loo diyaarinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, markii tababarka loo soo xiray boqolaal ka mid ah askartaasi ayaa la sheegay inay u gudbeen dalka Itoobiya, iyagoo la baxay hubkii ay dowladda ku qalabaysay intii uu tababarku socday. Arrintaas ayaa dhalisay su’aalo la xiriira xaaladda ciidamada, sababta ay xuduudda uga gudbeen iyo tallaabooyinka ay labada dowladood ka qaadi doonaan.
