Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland ayaa suurgalnimada aan ka saarin in Israa’iil Somaliland saldhig Milateri mustaqbalka ku yeelan karto.
Wasiirka ayaa sheegay in aanay xadidnayn wada-shaqaynta iyo iskaashiga labbada dal aanay xadidnay kana wada shaqaynayaan si furan dhanka Dhaqaalaha iyo Amaanka.
Wasir Cabdiraxmaan Bakaal ayaa ku daray in aanay cid kale wakhti iskaga lumin waxay Israa’iil iyo Somaliland ka wada shaqaynayaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxuu jawaab adag ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya oo ku wajahan aqoonsiga Somaliland isagoo u soo jeediyey inay xoogga saarto xalinta caqabadaha gudaheeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Israa’iil sida ay ula dhaqmeen Somaliland iyo tallaabooyinka ay qaadeen ee la xidhiidha xidhiidhka labada dhinac, isaga oo sheegay in Somaliland ay qiimaynayso taageeradaas isla markaana ay rajaynayso in iskaashiga labada dhinac sii xoogaysto mustaqbalka.
