Puntland ayaa shaaca ka qaaday in aysan qayb ka ahayn heshiisyada dhismaha ciidamada Qaranka oo aysan deegaannadeeda ku sugnaan karin ciidan Dawlada Fadaraalka Somaliya.
Go’aankan ayaa maanta kasoo baxay kulankii Golaha Wasiirada ee Puntland oo uu shir guddoominayay madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu sheegay in ciidan Soomaaliyeed joogi-karin ilaa laga gaarayo heshiis qodobadda hannaanka loo marayo dhismaha Ciidan Qaran oo heer Federaal ah’’
Tani ayaa imanaysaa, xilli ciidamo ka tirsan DFS ay ku sugan yihiin Garoowe, Gaalkacayo ilaa Boosaaso, loona soo magacaabay Taliye Jimcaale.

