3
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar ayaa caawa jeediyay hadal u muuqday in lagu dejinayo xiisadda sare martay ee Israa’iil iyo Turkiga.
Isagoo caawa la hadlay telefishinka Israa’iil ee Channel 12, wuxuu yiri;-“Ma dooneyno in xiisad ay naga dhex dhalato Turkiga. Mar walba waxaan doorbideynaa in xaaladaha lagu xalliyo isfaham iyo ka fogaanshaha iska horimaad, iyo farriimo diblomaasiyadeed.”
