Guddoomiyaha Ismamaulka Gobolka Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa ku baaqay in la adkeeyo ciqaabaha lagu qaado dadka dhismayaasha dhisa ee ku xadgudba xeerarka dhismaha. Waxa uu sidoo kale dib u cusboonaysiiyay baaqiisii ahaa in dowladaha gobolladu dib u helaan awoodda dacwad-oogista, kadib markii dhisme dhowr iyo tobban dabaq ah oo aan weli dhammaan uu ku dumay xaafadda Eastleigh.
Sakaja ayaa sheegay in ciqaabaha fudud ee lagu qaado xadgudubyada dhismaha ay wiiqayaan fulinta shuruucda, isla markaana ay dadka dhismaha dhisa u saamaxayaan inay iska indhatiraan qorshayaasha dhisme ee la ansixiyay iyo heerarka badbaadada, taas oo nafta dadka khatar gelinaysa.
Sakaja, oohadlayey mar uu booqday goobta uu dhismuhu ku dumay ee ku taalla isgoyska 1st Avenue iyo 9th Street, ayuu guddoomiyuhu hay’adaha xirfadeed ee matala naqshadeeyayaasha dhismayaasha, injineerrada iyo khubarada qiyaasta kharashaadka dhismaha ku boorriyay inay baaraan kiisaska ay xirfadlayaal aqoon iyo shahaadooyin leh laga saaro mashaariicda dhismaha ee la ansixiyay ka hor inta aan la dhammaystirin.
“Waxaan dareenkayga iyo garab istaaggayga u dirayaa qoysaska ay musiibadani saamaysay, gaar ahaan kuwa walaaca ku sugaya war ku saabsan xaaladda eheladooda. Waxaan u xaqiijinayaa in dowladdu garab istaagi doonto, siin doonto taageerada lagama maarmaanka ah, isla markaana ay xog la socodsiin doonto inta ay hawlgallada samatabbixintu socdaan.” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.
Wuxuu intaa ku daray in dadka dhismayaasha dhisa ay u hoggaansamaan qorshayaasha la ansixiyay, isla markaana ay helaan shahaadooyinka oggolaanshaha deggenaanshaha ee loo baahan yahay ka hor inta aan dhismayaasha la deggin.
