Friday, October 23, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Oo ku Hanjabay inay Bilaabi-doonaan Hawlgal Milatari Oo Aan Hore loo Arag.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu dib u eegay qorshe hawlgal milatari oo uu ku tilmaamay mid “aan horay loo arag tan iyo 1967-kii”.

Netanyahu ayaa qorshahan soo bandhigay wax yar kadib weerar hubaysan oo ka dhacay magaalada Hebron, kaas oo lagu dilay laba askari oo Israa’iiliyiin ah, saddex kalena lagu dhaawacay. Waxa uu sheegay inuu cayimi doono waqtiga la fulinayo hawlgalka.

Netanyahu, oo xilligan ku jira loollan adag oo uu ugu jiro in mar kale loo doorto xilka ra’iisul wasaaraha Israa’iil, ayaa sheegay in tallaabada koowaad ee hawlgalka ay ka koobnaan doonto “barakicinta dadka deggan, baaritaanka guryaha iyo burburinta kaabayaasha argagixisada”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.