Taliyaha Ciidanka Pakistan Oo la Madaxda Iran kala Hadlay Dadaalada Lagu Jooginayo Dagaalka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha guud ee ciidanka Pakistan, Jen. Asim Munir oo ku sugan Iiraan ayaa waxyar ka hor la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa sheeegay n siyaasyinta hogaamiya Iran ay yihiin dad caqli badan islamarkaana ay leeyihiin aragti fog wuxuuna yiri;

“Waxaan ku faraxsanahay in Iiraan maanta ay hoggaankeeda gacanta ku hayaan dad caqli badan oo leh aragti fog.”

Wuxuu sidoo kale yiri: “Aniga iyo adiguba waxaan nahay askar u adeegaya dalalkeenna. Askartuna si cad ayay wax u sheegaan, hadalkooduna waa toos, wareeg iyo mugdi kuma jiro.”

Intaa ka dib, Ghalibaf wuxuu sheegay in ciidamada Iiraan ay dib isu dhiseen intii lagu jiray xabbad-joojinta.

Isagoo intaa ku daray in haddii Trump uu sameeyo tallaabo nacasnimo ah oo uu dagaalka dib u bilaabo inay Iiraan bixin doonto jawaab ka sii adag kana xanuun badan tii maalintii ugu horreysay ee dagaalka.