Caasimada Adiss ababa ayaa Qarxyo xoogan laga maqlayay maanta markii jabhadaha isbahaysiga ay ku weerareen diyaarahada aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.
Ilo xog ogaal ah oo ka agdhaw isbaheysiga Jabhadaha ayaa sheegay in duqeymo ay ka fuliyeen Magaalada Adiss ababa u adeegsadeen diyaaradaha Drones-ka waxaanay beegsadeen goobo xasaasi ah oo aay ku jirto xarunta ciidamada difaaca dalka Itoobiya ee loo yaqaan ENDF
Dhanka kale Ciidamada federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaadka huwanta ah ayaa ku dhawaaqay in ay dib ula wareegeen gacan ku heynta magaalada istiraatiijiga ah ee Alamata ee koonfurta deegaanka Tigrayga.
Sikastaba ha noqotee Itoobiya ayaa gashay xaalad hubanti la’aan ah, iyadoo ay wali ka socdaan dagaalo Sokeeye oo lagu riiqmay qaybo badan oo ka mida Gobolada Amxaarada Canfarta iyo Tigrgay halka aay Caasimadana qarka usaar yihiin
