Waxaa la xaqiijiyay geerida General Maxamed Saalim Al-Khawlaani, oo ahaa taliyaha ciidamada Gurmadka Degdegga ah (Emergency Forces) ee dowladda Yemen ee gobolka Taiz, kuwaas oo taageero ka hela isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo.
General Al-Khawlaani ayaa lagu dilay intii uu socday dagaal xoogan oo galabta ku dhex-maray ciidamada dawlada Yemen iyo Xuutiyiinta furimta dagaalka ee magaalada Taiz.
Sarkaalka ayaa ka mid ahaa saraakiisha sare ee ciidamada dowladda Yemen, isagoo door muhiim ah ku lahaa hawlgallada militari ee ka socda gobolka Taiz, Geeridiisa ayaa loo arkaa khasaare soo gaaray ciidamada dowladda ee gobolka.
Dilka General Al-Khawlaani ayaa dhacay xilli ay sii xoogeysanayaan isku dhacyada u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo xoogagga Xuutiyiinta, gaar ahaan buuraha iyo aagagga ku dhow magaalada Taiz
