Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Oo War kasoo Saartay Weerar Dhinaca internetka ah Lagu Qaaday…
War ka Soo baxay Wasaaradda ayaa lagu yidhi sidan
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay la socodsiinaysaa shacabka in websaydka rasmiga ah ee Wasaaradda si ku meel gaadh ah hawada looga saaray ( Offline) ka dib iskuday weerar dhanka internet-ka ah oo lagu damacsanaa in lagu khalkhal geliyo qaybo ka mid ah adeeggiisa.
Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in websaydku ku jiro gacanta Wasaaradda, isla markaana ay socoto hawsha dib loogu soo hawl gelinago oo dhamaystiran.
Waxaanu uga mahadcelinaynaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland is garab taagga ay muujiyeen. Waxa dib hawada loogu soo celin doonaa sida ugu dhakhsaha badan, haddii Alle idmo.
𝓐𝓵𝓵𝓪 𝓜𝓪𝓱𝓪𝓭 𝓛𝓮𝓱………………………………𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐄𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐡 𝐄𝐞 𝐉𝐒𝐋.
