Safiirka Hindiya ee Soomaaliya, Adarsh Swaika, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay labada dhinac dan wadaagta ka leeyihiin.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga ganacsiga, waxbarashada iyo is-dhaafsiga dhaqanka, iyadoo labada dhinac ay isla soo qaadeen fursadaha lagu sii xoojin karo xiriirka muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka uu safiirka cusub kala hadlay qodobbada muhiimka ah ee xiriirka labada dal iyo sidii loo dardar-gelin lahaa iskaashiga ganacsi, waxbarasho iyo dhaqan ee labada shacab.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya iyo Hindiya ay doonayaan inay sii xoojiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Bishii Janaayo ee sanadkan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya, S. Jaishankar, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen horumarinta ganacsiga, kobcinta awoodda hay’adaha, waxbarashada, caafimaadka, adeegyada qunsuliyadda iyo iskaashiga dhinacyada caalamiga ah.
