Ra’iisul wasaarihii hore ee Poland,Mateusz Morawiecki ayaa u sheegay reer Yurub inay ku jiraan marxalad halis ah oo u dhaweyn karta burbur.
Mateusz ayaa soo bandhigay lix qodab oo u baahan inay wax ka badalaan midawga Yurub wuxuu yiri:
1“Afartankii sano ee la soo dhaafay, Yurub waxaa lagu dhisay shan tiir:
2•Dammaanad amni oo Mareykanku si bilaash ah ku bixiyo.
3•Iibinta badeecooyin faa’iido sare leh oo loo iib geeyo Shiinaha
4•Tamar jaban oo ka timaadda Ruushka
5•Shaqaale jaban oo ka yimaada Yurubta Dhexe
6•Maalgelin jaban oo ka timaadda Bankiga Dhexe ee Yurub
Laakiin hadda, dhammaan arrimahaas waa dhammaadeen.Midowga Yurub waa inuu dib isku qaabeeyaa haddii uu doonayo inuu sii ahaado mid tartanka ku jira.”

