Waxaa isweydiin mudan sababta ay matalaadii ay ku lahaayeen shirka golaha dhexe ee xisbiga Wadani ay habayaraatee meesha uga maqnayd deegaannadii hormuudka u ahaa ololihii, abaabulkii iyo guushii xisbiga Waddani ka gaadhay doorashooyinkii u dambeeyay ee madaxnimada Ee Somaliland iyo guushii uu xisbigu ku noqday xisbi qaran
Degaanadan aan diirada saarayo oo ah degaanada Lughaya, Saylac iyo Baki waxay ahaayeen deegaannadii sida hagar la’aan ah u bixiyey waqtigooda, dhaqaalahooda iyo codkooda si Waddani u noqdo xisbi qaran, haddana maanta marka la gaadhay waqtigii abaal-marinta siyaasadeed ay maali laaahyeen in matalaaddoodii go’aanka iyo golaha dhexe ee xisbigu ay noqotay mid meesha ka madhan lagana reebay gabi ahaanba xubnihii ay filayeen in ay ku yeeshaaan shirkaas golaha dhexe ee maanta ka furmay Hargaysa.
Waxase tan ka sii daran ayaa ah in aan xitaa lagala tashan bulshada iyo masuuliyiintii deegaanka diyaarinta liiska. Dadkii ugu naf-hurnimada badnaa ee habeen iyo maalin u taagnaa abaabulka, ololaha iyo ilaalinta codadka ayaa maanta dareemaya in loo kasay oo xaqoodii laga dhigay wax aan tirsanayn isla markii ay guushu timid. Tani ma aha oo keliya gef siyaasadeed; waa fariin dhaawacaysa kalsoonida kumannaan taageere oo rumaysnaa in dedaalkooda lagu qiimeyn doono caddaalad iyo sinnaan.
Su’aasha ugu weyn ayaase ah: yaa go’aamiyey in codka shacabka la qiimayn waayo, yaa ka masuul ah in maamuuska laga xayuubiyo dadkii masuulka ka ahaa in codkaas baaxada leh uu xisbigu ka helo degaanadan?. Xisbi sheeganaya isbeddel, caddaalad iyo wada-tashi ma ku dhismi karaa go’aanno ay saluugsan yihiin dadkii ahaa garabka uu ku taagnaa? Haddii codbixinta iyo is garabtaaga xisbiga ee waqtigacodaynta aanay noqon halbeegga lagu helo matalaadda, maxaa fariin ah oo loo dirayaa codbixiyayaasha mustaqbalka loo baahan doono?
Waxaa sidoo kale taagan su’aal siyaasadeed oo aan la iska indho tiri karin oo ah Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) arrintan ma ogyahay, mise waxay ku koobantahay go’aan uu maamulayo Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan? Haddii Madaxweyne Cirro aanu ogeyn, waa arrin u baahan in si degdeg ah loogu baraarujiyo. Haddii uu ogyahayse, waxaa loo baahan yahay inuu shacabka u caddeeyo sababta deegaannadii laf-dhabarta u ahaa guusha xisbiga looga waayey matalaad, qayb ka ahayd balanqaadyadiisii waqtigii doorashada.
Taariikhdu way xustaa cidda codka raadisa, balse waxay si ka sii wayn u xusuusataa cidda hilmaanta dadkii guusha u horseeday. Haddii aan si degdeg ah loo sixin khaladkan, dhaawaca ugu weyn ma noqon doono xubno shaqsiyaad ah oo liis laga reebay; wuxuu noqon doonaa kalsoonidii taageerayaasha iyo sumcaddii isbeddelka lagu doortay oo shirki laga muujiyo, waqti ay dadka degaanada beelaha Maxad Case is waydiinayaan in abaalkii ay u galeen xisbiga Wadani lagu badalay colaado u muuqda inay qorshaysan yihiin oo laga soo abaabulayo dibadda dalka, xisbigii talada hayana aanu u guntan in uu u soo afjaro sidii uu u soo afjaray colaadii degaanka ceel af wayn.
Maxamuud Jaamac Muuse
Muwaadin Ku Nool Xeebaha Gobolka Awdal
