Falanqeeye ka tirsan University of Tehran, Mohammad Eslami, ayaa sheegay in imaaraadka Carabta ay go’aansatay inay noqoto wakiil uga shaqeeya Israel gudaha Khaliijka, isagoo xusay in arrintaasi aysan aqbali doonin shacabka reer Iran.
Isagoo ka hadlayay xaaladda sii cakirmaysa ee gobolka, Eslami wuxuu tilmaamay in Imaaraadku uu sii gelayo go’doon siyaasadeed oo ka dhex jira dalalka Khaliijka, wuxuuna ku baaqay in Mareykanka ay dib uga fiirsato istiraatiijiyaddeeda milatari iyo tan diblomaasiyadeed ee gobolka.
“Waqtigan xaadirka ah, Imaaraadku wuxuu ku lug leeyahay khilaafaad badan ma aha oo kaliya kan kala dhexeeya Iran, balse sidoo kale wuxuu khilaaf la leeyahay Saudi Arabia, Qatar iyo Oman,” ayuu yiri.
Eslami ayaa sidoo kale xusay in dhaqaalaha caalamka uu dhiig baxayo, isagoo ku tilmaamay xaaladda mid dhab ah oo sii xumaanaysa, isla markaana ku booriyay Mareykanka inuu si qoto dheer uga fiirsado waxa uu ku tilmaamay maqnaanshaha istiraatiijiyad cad ee dagaalkan.
Inkasta oo xiisaddu kacsan tahay, ayuu sheegay in Iran ay hadda xoogga saarayso xalal diblomaasiyadeed, balse taasi aysan micnaheedu ahayn is-dhiibid.
“Reer Iran waxay ka fikirayaan xalal siyaasadeed oo lagu dhammeeyo khilaafka, balse taasi macnaheedu ma aha inay is dhiibayaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.
Dhinaca kale Afhayeen u hadlay CENTCOM ayaa u sheegay Al Jazeera Arabic in hawlgalka milatari ee Mareykanka ee loo bixiyay Project Freedom ee marinka Hormuz uu yahay mid ku-meel-gaar ah, isla markaana lagu abuurayo marin ammaan ah iyo dallad amni oo dusha ka ilaalinaysa marinkaasi.
Afhayeenka ayaa sheegay in milkiilayaasha maraakiibta iyo shirkadaha caymiska ay si wanaagsan uga falceliyeen hawlgalkan oo hadda uun bilaabmay.
Wuxuu intaas ku daray in ujeeddada hawlgalku tahay in la xaqiijiyo in maraakiibta ganacsiga ay si nabad ah uga gudbi karaan marinka, taasoo faa’iido u leh dhaqaalaha caalamka iyo kan gobolka.
