Ciidanka Israeli ayaa ku dhawaaqay inay saddex dagaalyahan oo ka tirsan Hezbollah lagu soo qabtay, iska horimaadyo toos ah oo ka dhacay koonfurta Lubnaan.
Afhayeenka ciidanka Israa’iil ee warbaahinta Carabta, Avichay Adraee, ayaa ku yiri “Ciidamada Givati Brigade waxay galeen dagaal aad la siugu dhawaaday oo ay la galeen koox ka tirsan Hisbullah, oo ay ku jireen xubno ka tirsan Radwan Force ee ku sugan Bint Jbeil.”
Wuxuu intaas ku daray: “Dhamaadka dagaalka, saddex dagaalyahan oo hub tuurayay ayaa isu dhiibay ciidamada. Kadibna waxaa loo gudbiyayguutada 504 si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.”
Dhinaca kale kooxda Hezbollah ayaa sheegtay inay gantaallo ku beegsatay 13 degsmo oo ku yaalla waqooyiga Israel.
Kooxdu waxay sheegtay in weerarradaasi ay sii socon doonaan ilaa ay joogsadaan weerarrada ay ku tilmaantay kuwa Mareykanka iyo Israel.
Afhayeen u hadlay ciidanka Israel (IDF) ayaa sheegay in ciidamada Israel ay filayaan koror ku yimaada weerarrada Hezbollah, xilli ay bilaabanayaan wadahadallada u dhexeeya Lubnaan iyo Israel ee ka socda Mareykanka.

