Trump ayaa qabtay shir saxaafadeed arrimo badan uu uga hadlay wuxuu yiri ; “Ha igu khasbina inaan degdego.Waxaan ku jirnay dagaalka Vietnam 18 sano, waxaana ku jirnay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ku dhowaad 5 sano.Ilaa hadda waxaa la joogaa kaliya 6 toddobaad.
Wuxuu intaa ku daray;
“Iiraan ayaa noo timid oo tiri: “Waxaan oggolaanaynaa in la furo marinka.” Dhammaan xubnaha kooxdayda way ku faraxsanaayeen, aniga mooyaane.
Waxaan ku iri: “Sug hal daqiiqo, haddii la furo waxay ka dhigan tahay inay kasbanayaan 500 milyan maalintii.”
Aniga ayaa ah kan marinka xiray.
Intaa ka dib weriye ayaa waydiiyay Trump; “Maxaad u sheegaysaa shacabka Mareykanka ee is weydiinaya inta ay xaaladdan sii socon doonto? Sida aad ogtahay, waxay wajahayaan qiimaha shidaalka oo sare u kacay.
Trump, ayaa yiri ; “Adigu waxaad tahay qof xun
Ma maqashay waxa aan hadda sheegay?
Immisa sano ayuu socday dagaalkii Vietnam?
Weriyaha: Amiir Prince Harry ayaa maanta sheegay inuu doonayo inaad wax badan ka qabato joojinta dagaalka Ukraine.
Trump: Amiir Harry? Sidee bay tahay xaaskiisa? Fadlan iga gaarsii salaam.
Waxaa kaloo Trump la waydiiyay haddii Iiraan uu u adeegsanayo hub nukliyeer ah
Wuxuu yiri ; “Maya, ma isticmaali doono hub nukliyeer ah oo ka dhan ah Iiraan.Maxaa la ii weydiinayaa su’aal sidan u doqon ah?Lama oggola in hub nukliyeer ah loo adeegsado cidna.”
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay dib u dhaca wadahadallada Iiraan.
Wuxuu yiri ; “Ma garanaysaan sababta Iiraan u dib dhigayso arrinta? Sababtoo ah ma oga cidda hoggaankeeda ah.Xitaa annagu ma naqaan cidda hadda hoggaamisa Iiraan, tan iyo markii uu Khamenei dhintay.”
Arrinta kale oo saameynta leh oo muujinaya suragalnimada dhow oo dagaalka inuu dib u billaabanayo oo hadalkiisa uu ku soo daray Trump, waxay ahayd inuu si cad u yiri;
“Shacabka Mareykanka waa inay filaan in qiimaha shidaalka uu sii kici doono muddo yar oo dheeraad ah.
Ma ogtihiin waxa ay ku helayaan beddelkeeda?
Iiraan oo aan lahayn hub nukliyeer.”
