Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa sheegtay in aan la aqbali-karin dhaleecaynta ee Donald Trump u jeediyay baadariga Katooliga, Pope Leo.
“Waxaan u arkaa ereyada Madaxweyne Trump ee ku aaddan baadire weynaha, kuwo aan la aqbali karin. Pope-ku waa madaxa kaniisadda Katooligga, waana mid sax ah oo munaasib ah inuu ku baaqo nabad uuna cambaareeyo dhammaan noocyada dagaalka,” ayay tiri bayaan ay soo saartay.
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Trump uu hadalo dhaliila u jeediyey Pope-ka. isagoo ku eedeeyay inuu raali ka yahay iney Iiraan yeelato hub nukliyeer ah.
Trump ayaa yidhi “Ma doonayo baadari dhaliila Madaxweynaha Mareykanka, ma doonayo baadari u malaynaya iney caadi tahay in Iiraan ay yeelato hub nukliyeer ah, ma doonayo baadari u malaynaya iney wax xun tahay in Mareykanku uu weeraro Venezuela.”


