Maayarka Magalada New York Oo Mar kale ku Celiyay Inuu Xabsiga Dhigayo Nataniyahu

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maayarka magalada New York, Zohran Mamdani ayaa markale si cad u xaqiijiyay inuu xabsiga dhigi doono Ra’iisal Wasaaraha ISRL hadii uu soo booqdo magalada New York si uu uga qaybgalo shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay ee bisha September.

Wariye ayaa Mamdani waydiiyay “Ma dhabey ka tahay inaad xidhayso Natanyahu.?” Mamdani ayaa ku jawaabay “Haa 100%”

Maayarka New York wuxuu sheegay in Natanyahu uu yahay ninka isagoo Ra’iisal Wasaare ah xasuuq u geysatey F-lastiiniyiinta, isla markaana loo haysto dambiyo dagaal oo ka dhana aadamaha, kaasoo Maxakamada Dambiyada caalamiga ah ay usoo jartey waaran xadhig ah.

Wuxuuna intaasi raaciyay inuu issagu aaminsan yahay in la ixtiraamo oo loo hogaansamo amarka kasoo baxay Maxakamada dambiyada caalamiga