Wednesday, August 5, 2026

Madaxweynaha Iiraan Oo Khadka Telefoonka kula Hadlay Hogaamiyaha siyaasadda Xamaas.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Iran ayaa khadka taleefanka kula hadlay Khalil al-Hayyah, oo ah madaxa cusub ee xafiiska siyaasadda ee Xamaas.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Madaxweyne Masoud Pezeshkian uu intii uu wada-hadalku socday yiri: “Falastiin waxay weli tahay mudnaanta koowaad ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Iran.”

Khaliil al-Hayyah ayaa loo doortay inuu hoggaamiyo xafiiska siyaasadda ee Xamaas.

Xamaas ayaa wajahaysay weerarro culus oo Israa’iil ku hayso ku dhowaad saddex sano, tan iyo weerarkii 7-dii Oktoobar ee lagu qaaday Israa’iil, waxaana lagu dilay hoggaamiyeyaal badan oo ka tirsanaa ururka.

Ismaaciil Haniyeh, oo ahaa madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, ayaa lagu dilay weerar laba sano ka hor xilli uu u safrayay Tehran si uu uga qayb galo munaasabaddii caleemo-saarka Madaxweyne Pezeshkian.