Wednesday, August 5, 2026

Dowlada Somaliya Oo Tacsi u Dirtay Dad Badan Oo ku Dhintay Dhul-go ka Dhacay Itoobiya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, hoggaankeeda, dowladdeeda iyo shacabka Itoobiya, kaddib masiibadii ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo saameeyay gobolka Amxaarada.

Dowladda Soomaaliya waxay si qoto dheer uga murugootay khasaaraha nafeed iyo dhibaatooyinka ka dhashay musiibadan, iyadoo muujisay garab istaag iyo walaaltinimo ay la wadaagto dowladda iyo shacabka Itoobiya xilligan adag.

Soomaaliya waxay tacsi u diraysaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday masiibada, waxayna u rajaynaysaa caafimaad degdeg ah dhammaan dadkii ku dhaawacmay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa dadaallada ay wadaan hay’adaha gurmadka iyo bulshada deegaanka ee ku howlan baadi-goobka, samatabbixinta iyo taageeridda dadka ay saameysay musiibadan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa garab istaaggeeda iyo taageeradeeda ay u hayso shacabka Itoobiya, iyadoo Alle uga baryaysa in uu u naxariisto dadkii geeriyooday, dhaawacyadana uu caafimaad siiyo.

Gudaha Itoobiya Roobab xooggan ayaa sababay dhul-go’ ka dhacay gobolka Amxaarada, gaar ahaan deegaanka keniisadda Tsadqane Debre Mitmaq, halkaas oo ugu yaraan 14 qof ay ku dhinteen, 7 kalena ay ku dhaawacmeen.