Madaxweynaha Lubnaan Oo si Adag u Weeraray Madaxda Iiraan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun oo la hadlay CNN ayaa si adag u weeraray madaxda Iiraan, isagoo ku dooday in sheegashada Iiraan ee ah iney caawineyso Lubnaan ay tahay been iyo waxba kama jiraan.

Madaxweynaha Lubnaan oo fariin u direy Dowlada Iiraan ayaa yidhi “Lubnaan waa dalkeena ee maaha dalkiina.”

Wuxuu sheegay in shacabka Lubnaan ay bixinayaan qiimaha ka dhashay faragalinta Iiraan ee gobolka, taasoo uu tilmaamay iney culays iyo dhibaato ay ku hayso dalkiisa, wuxuu yidhi “Shacabka Lubnaan waxay bixinayaan qiimaha danihiina.” Wuxuu intaasi raaciyay “Danaha Lubnaan kuma haboona danaha Iiraan.” Isagoo hadalkiisa si wata wuxuu Madaxweynaha Lubnaan yidhi “Lubnaan maaha dalkiina ee waa dalkeena.”