Dowladda Turkiye ayaa Muqdisho ka bilowday dhexdhexaadin ku saabsan in laga heshiiyo Xaladihii ugu danbeyay Dalka ka dhacay iyo arimaha Dorashooyinka
Waxaana Wafdiga ka socda dowladda Turkiga oo caawa gaaray hoyga Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Kulan la yeesheen Xubno ka tirsan Mucaradka.
Shirka ay la yeesheen xubnaha mucaaridka ayaa la filayaa in looga hadlo Sadax qodob oo salka ku haya khilaafka taaggan.
1-Nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.
2-Cida qabanaysa
3-Mudada lagu qabanayo.
Kulamada Turkigu garwadeenka ka ayahay ayaa la filayaa inay sii socon doonaan ilaa berrito iyagoo sidoo kale la kulmi doona dhinaca dawlada fadaraalka.
Dowladda Turkiga ayaa cadaadis ku saaraysa dhinacyada isku haya khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya inay si deg deg ah u gaaraan heshiis, iyadoo Ankara ay ka walaacsan tahay saameynta amni, dhaqaale iyo sumcad ee ka dhalan karta dagaallada ka socda Muqdisho.

