La-taliye sare oo u dhow hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ali Akbar Velayati, ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda u maamulo marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz, isagoo carrabka ku adkeeyay in ilaalinta qaranku ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee diblomaasiyadda Tehran.
Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku yiri furaha Hormuz wuxuu ku jiraa gacmaheenna awoodda leh, isagoo muujinaya mowqif adag xilli ay xiisaduhu sii xoogeysanayaan.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii wada-hadallo dhex maray Iiraan iyo Mareykanka oo ka dhacay Islamabad ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan, iyadoo labada dhinac ay isku eedeeyeen fashilka heshiiska.
Iiraan ayaa la sheegay inay soo bandhigtay shuruudo ay ka mid yihiin dammaanad amni, qaadista cunaqabateynta, aqoonsiga barnaamijkeeda nukliyeerka, iyo dib u soo celinta hantida la xannibay.

